Home NEWS Ciidamo ka gadooday mushaar la’aanta shan bil oo xirtay Gudoomiyaha gobolka Bakool.

Ciidamo ka gadooday mushaar la’aanta shan bil oo xirtay Gudoomiyaha gobolka Bakool.

88
0
SHARE

Ciidamo katirsan Milatariga Soomalaiya oo aad u hubeysan ayaa maanta hakad galiyay shaqooyinkii ka socday xarunta maamulka gobolka Bakool, kuwaasoo ka cabanaya mushaar la’aan.

Ciidamadan ayaa diiday in gudaha loo galo xarunta ama uu ka boxo Gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall, iyagoo sheegay ineysan jireynin wax shaqo ah inta laga siinayo xuquuqaadkii ay ku lahaayeen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Ciidankan ayaa barqanimadii maanta xafiiskiisa ku xanibay Gudoomiyaha gobolka Bakool, iyagoo sheegay inuusan bexeynin inta uu meel ka saarayo xuquuqdooda, waxaana maqribnimadii Caawa arinta ku baxaya Odayaasha magaalada, kuwaasoo sii daayay Gudoomiyihii xanibaada la saaray.

Waxa ay sheegeen in mudo shan bilood ah aan la siin wax mushaaraad ah, sidoo kalena laga jartay Raashinkii iyo Iidaankii la siin jiray, iyadoo maanta uu qalqal xooggan ku jiray amniga xarunta gobolka Bakool.

Gudoomiyaha magaalada Xudur ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay ineysan garaneynin sid aay shaqooyinka u hayaan shacabka ku sii socon karto, maadaama Ciidanka aadka u hubeysan ay xili kasta dhibaato geysan karaan.

“Wasiirka Gaashaandhiga waa inuu arintan soo farageliyaa, waa inuu Ciidankan mushaaraadkooda meel saaraa, Annaga waxaan heyno malaha oo anakaaba wax la’aan ah, Shacabka waan u cabsaneynaa in hantidooda la boobo, madaxweynaha Koofur Galbeed waa inuu dowladda dhexe kala hadlaa cabashada Ciidanka” ayuu yiri Gudoomiyaha magaalada Xudur.

Si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo ah madaxweynaha Koofur Galbeed, kaasoo Caasimada ku sugnaanaya mudo shan cisho ah, lamase oga inuu madaxda dowladda arinkan kala hadli doono.

LEAVE A REPLY