Home NEWS 12 ka mid ah culimada diinta oo Somaliya u imanaya shir looga...

12 ka mid ah culimada diinta oo Somaliya u imanaya shir looga hadlayo la dagaallanka Xagjirnimada

118
0
SHARE

Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qabanqaabisay Xukuumadda Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ka furmaya Muqdisho maalinta Isniinta ee berri ah.

Shirkan ayaa la qorsheeyay inuu ka dhaco Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ah meel amnigeeda aad loo ilaaliyo, waxaana socota qaban qaabadii u dambeeyay ee loogu diyaar garoobayo, iyadoo wafuuda ka qeyb galeysa ay badankood maalinta berri imaan doonaan Caasimada.

Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ayaa hadal ka jeedin doona shirka oo soconaya labada maalmood (29-30 April) , iyaga oo diiradda ku saari doona qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada.

https://scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

LEAVE A REPLY