Home NEWS Xil. Fiqi oo dowlada si adag ula hadlay maanta

Xil. Fiqi oo dowlada si adag ula hadlay maanta

127
0
SHARE
Xildhibaan Fiji

Mar uu U tacsiyenayay wasiir kuxigeenka Wasaaradda shaqaalaha oo dadkii maantay magaladda mogdisho lagu qarxiyay kamid ahaa Ahmed macalin fiqi ayaa Barta Facebook uu leyahay waxa uu Soo Dhigay Sidaaan .

” Allaha u naxariisto wasiir Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee maantay argagixisadu ay xafiisyadooda ku dileen. Dadka dhaawacu uu weerarkaas ka Soo gaarayna caafimaad Degdeg ah. Waa ayaandarro weyn amniga faraha ka sii baxaya iyo qarax walba dadka qaaliga ah ee ku baxaya ama ku waxyeeloobayaba, ayadoo aysan jirin cid amni-darrada jirta lagala xisaabtamo ama qorshe amniga lagu hagaajinayo oo muuqda.. Madaxweyn Farmaajo waa inuu godka ka Soo baxaa, dhabarkana u ritaa mas’uuliyadda waxyaalaha dhacaya kaga aadan, macquulna ma noqonayso in dal lagu hogaamin karo isqarin iyo mas’uuliyad ka carar laga dhaxlayo dayacaad iyo khasaaro joogto ah”

hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya kadib markii magaalada muqdisho ay maanta ka dhaceen qaraxyada waaween taas oo ay dad badan ku waayeen naf iyo maalba.

LEAVE A REPLY