Wadahadalkii dowladda iyo Galmudug oo lagu kala kacay iyo Wasiir Sabriye oo deg deg uga soo duulay Dhuusa-Mareeb.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-Mareeb, ayaa sheegaya inuu fashil ku soo dhamaaday wadahadal u socday Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, kaasoo xal loogu raadinayay sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka taagan.

Sida wararku sheegayaan Wasiir Sabriye iyo wafdigiisa oo Xildhibaano ay kamid yihiin ayaa saaka isaga soo duulay garoonka Ugaas Nuur, waxeyna ku soo jeedaan magaalada Muqdisho, wasiirka waxa uu soo gaabiyay socdaalkiisa oo sida qorshuhu yahay ahaa Laba cisho.

Xubno kamid ah Galmudug ayaa Warbaahinta Xaldoon.Net u sheegay in la isku fahmi waayay arinta doorashada guud ee maamulka Galmudug oo dowladda ay dooneyso iney dhacdo bisha 7-ad ee sanadan, halka madaxda Galmudug ee Dhuusa-mareeb ay doonayaan iney dhacdo sanadka 2021.

Wasiir Sabriye ayaa markii uu tagay waxa uu la kulmay madaxweyne Xaaf iyo amdaxa Xukuumada Sheekh Shaakir, waxeyna af cad ugu sheegeen in mudo xileedkooda uu ka bilaabanayo xiligii heshiiska ay wada galeen Galmudug iyo AHlu-Suna ee labada maamul la isku daray.

Intaasi kadib Wasiir Sabriye ayaa naf ka raadiyay Gudoomiyaha Guud ee Ahlu-Suna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, isagoo xalay ku booqday gurigiisa waxeyna wada fadhiyeenw ax ka badan 7 saacadood, walow kulankaasna uu Wasiirka waji gabax kala kulmay, taasoo soo dedejisay dib u soo noqoshadiisa.

Lama oga talaabada xgta ee qaadeyso dowladda Soomaaliya, maadaama Wasiirkii ay dirsatay uu isagoo gacmo maran ka soo laabtay magaalada Dhuusa-Mareeb.