Home NEWS Taliyaha booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo isku day dil ah ka...

Taliyaha booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo isku day dil ah ka badbaaday.

69
0
SHARE

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inuu si dirqi ah kaga badbaaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Idaacada ku hadasha afka Shabaab ee Andaluus ayaa baahisay in qarax xalay ka dhaay Xafaada Laba Dhagax ee degmada Warta Nabada ay la eegteen Koonyo gaadiid ah oo uu la socday Saadaq Joon, halkaasna khasaare lagu gaarsiiyay.

Shabaabka waxa ay sheegtay iney qaraxa ku burburiyeen gaari Cabdi Bile ah oo uu Taliyaha watay, ayna ku dileen askari kamid ah ilaalada Saadaq Joon.

Majirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya Sheegashada Shabaab ee ah inuu isku day dil ah kaga badbaaday Saadaq Cumar Xasan, kaasoo heysta booliska gobolka Banaadir, kuwaasoo u badan dhalinyaradii Shabaab isaga soo baxday.

Qaraxa xalay ka dhacay Nawaaxiga maqaaxida Al-Nasri, ayaa jugtiisa si aad ah looga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo uu sababay dhimashada laba qof iyo dhaawac Shan ruux oo kale.

Amniga Muqdisho ayaa faraha ka sii baxaya, waxaana xoogeystay qaraxyada iyo dilalka ay geystaan Shabaab, kuwaasoo si fudud uga baxsada gacanta laamaha amaanka.

LEAVE A REPLY