Qarax xoogan oo Muqdisho gilgilay.

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa goordhow ka dhacay isgoyska Jubba, gaar ahaan dhismaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo sidoo kale qaybta Booliiska Gobalka Banaadir

. Qaraxa kadib rasaas socotay daqiiqado ayaa la maqlay, hada waa istaagtay rasaastii socotay, waxaa inta la xaqiijiyay kudhintay dad uu kamid yahay wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha , iyadoo wali aan si drab ah loo helin tirada rasmiga ah ee maanta ku dhimatay ama ku dhaawacantay qaraxaasi.

qaraxaan ayaa imaanaya kadib usbuuc ay si joogto ah magaalada Muqdisho uga dhacayeen qaraxyo isdaba joog ah ayadoo ilaa iyo hada aan la ogeen waxa sababay qaraxyada isi soo taraayo ee mudooyinkan danse magaalada muqdisho dariska ay la noqotay.

wararka naga soo gaaraya magaalada muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in goobihi qaraxyadu ka dhaceen hada ay nabdoonyihin isla markaana laso afjaray dagaalki halkaas mudada kasocday.

Ahmed Qalbi
Hassan