Dowladda Somalia oo u yeeratay safiirada u fadhisa Geneva

Safiirada Somalia ee Geneva Faadumo

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si dhaqso ah ugu yeertay inay dalka ku soo gasho Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo xarunta Qaramada Midoobey ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva, Faadumo Cabdullaahi Maxamuud. Warqad uu ku saxiixna wasiirka arrimaha dibadda laguma caddeyn sababta loogu yeeray safiirka, balse waxay ku soo aadday kaddib markii ay ka aamustay qaraarkii lagu cambaareeyay go’aankii Trump oo sheegay in Mareykanku uu aqoonsanayo Israil inay leedahay buuraha Golan,iyadoo Soomaaliya ay ka mid ahayd shan dal oo ka aamusay qaraar lagu cambaareeyay go’anka.